|
NEWS
|
Xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee caasumada Puntland ayaa lugu qabtay Munaasabada balaaran oo ujeedadeedu ahayd xuska maalinta haweenka Aduunka ee 08 March, iyadoo ay ka qeybgaleen haween kala gedisan iyo Madaxda dawladda Puntland
Wednesday, 10-03-2010 | Xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee caasumada Puntland ayaa lugu qabtay Munaasabada balaaran oo ujeedadeedu ahayd xuska maalinta haweenka Aduunka ee 08 March, iyadoo ay ka qeybgaleen haween kala gedisan iyo Madaxda dawladda Puntland qaarkood.
Haweenka caasumada Puntland oo socod dheer ku soo maray wadooyinka magaalada, iyagoo muujinayay sida ay ugu taagan yihiin xuska maalintan, ayaa ugu dambeyntii ku soo xiray socodkooda Aqalka Wasaaradda horrumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo laga jeediyey hadalo kala gedisan.
Wasiirada Wasaaradda Horrumarinta Haweenka ee Puntland Caasho Geelle Diiriye oo ka hadashay madasha ayaa tafaasiil ka bixisay maalinta xuskeeda, iyadoo sidoo kale soo qaaday dhibaatooyinka heysta Haweenka Soomaaliyeed,iyadoo ku baaqday in laga hortago fal kasta oo dhibaato ku haya Haweenka,iyo in laga dhiigay xuskaan 7 gobol ee puntlan, Bari,Mudug,Karkaar,Sool,Cayn,Sanaag,iyo Nugaal,oo ay ku taal wasaradda horrumarinta haweenka,
Wasiirad kuxigeenka Wasaaradda Horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Saynab Ugaas Yaasiin oo ka hadashay madasha ayaa dhinaceeda ayana sharaxaad dheeri ah ka bixisay arrimaha kala gedisan ee ka jira Puntland iyo tacadiyada inta badan lugula kaco Haweenka, waxa ayna sheegtay in wax badan laga qabto arrimahaasi.
>>Read
|
Xaflad balaran oo lagu soo dhawaynayeey wasiir ku xigeenka cusub ee wasaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, marwo Saynab Ugaas Yaasiin. Ayaa ka dhacaday hoolka wayn ee wasaaradda,
Monday, 08-03-2010 | Xaflad si wanaagsan loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaraha Haweenka & Arrimaha Qoyska ee Dawlada Puntland oo dhawaan la magacaabay Marwo Seynab Ugaas Yaasin ayaa maanta ka dhacday xarunta Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Garoowe
Xafladan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan golaha Wasiirada ee Dawlada Puntland oo ay ka dhex muuqdeen Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Dawlada Puntland magacaabay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud
Munaasabadan oo ay madax badani ka hadleen ayaa waxaa dadkii ka hadlay kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Hor.marinta Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye waxayna wasiirku ka hadashay waxqabadkii wasaarada tan & markii lasameeyey bilowgii sanadkii 2005 tii
>>Read
|
Waxaa warqadaan lagu soo cadeeyeey in masuuliyiinta ay liiska mushaar qaadashada ugu jiraan wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska puntland,
Tuesday, 02-03-2010 |
Waxaa warqadaan lagu soo cadeeyeey in masuuliyiinta ay liiska mushaar qaadashada ugu jiraan wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska puntland,
1.Cibado Salax Macalin. Dugsi Hoose./No 25 Liiska Macalimiinta Gobolka Bari
2.Adno Ali Axmed Waxay Ku Qaada Taa Mushaar Macalin D/Hoose/Dhexe Gobolka Cayn/No 29
3.Caasho Cismaan Xisaabiyaha Gobolka Sool/No,32
sidaas awgeed masuuliyiinta kor ku xusan waxaa lagu war galinayaa in manta oo ay taariikhdu tahay 16.febaraayo 2010, ay uga egtahay masuuliyadii iyo shaqadii ay u hayeen wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ayna ku ekaadaan wasaaradda waxbarashada maadaama ay in muda ah mushaar ka qadanayeen, masuuliyada iyo xilkii ay wasaaradda u hayeen waxaa loo soo magacaabi doonaa shaqaale ku haboon, oo ay xilka ku wareejin doonaan,
>>Read
|
Shaqo Qeexidda Wasaaradda Horrumarinta Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska,
Saturday, 20-02-2010 | Waaxda maamulka iyo xisaabaadka
Agaasimaha waaxda:
•Waa sarkaalka ugu sareeya waaxda
•Shaqo ku jihaynta iyo ku koontaroolida shaqada qaybaha waaxda
•Ayadoo/Asagoo la tashanaya/saraakiisha kale ee waaxda,kuna shaqaynaya awaamiirta agaasimaha guud,waafaqsana sharciga iyo shaqa qeexida, agaasimaha waaxdu waxaa uu u xilsaaran yahay
fulinta, la socoshada, isku dubaridka iyo agaasinka howlaha waaxda
• Waxaa ay maamul/talosiin iyo la shaqayn la leedahay/leeyahay dhamaan shaqaalaha waaxda hoos yimaada iyo waaxaha maamulka iyo xisaabta qaabilsan ee heer gobol ah oo wasaaradda ka tirsan.
• Waxaa asagoo la kaashanaya masuuliyiinta hoos yimaadaba waaxda si wadajir ah u diyaarinaysaa mashaariicda ay is leeyihiin waa loo baahan yahay si loo horumariyo himilada waaxda
• Waxaa loo soo gudbinayaa dhamaan baahiyaha guud ee wasaaradda kuwaas oo ay xal dhaqaale u raadinayso ayadoo la kaashanaysa agaasimaha guud ee wasaaradda.
• Waxaa ay awood u leedahay/leeyahay in ay bixiso dhamaan kharashaadka qorsheysan oo horey loogu heshiiyey haddii ay hesho xisaab saxsan oo ka timid codsadayaasha dhaqaalaha waqtiga ku haboon,
• Waxaa ay awood u leedahay/leeyahay bixinta hadii dhaqaale qorshaysani uu u yaalo dayactirka qalabka aan xafiisyadu shaqo uga maarmin sida agabka xafiisyada, kharashka socodsiinta iyo kharash kasta oo dagdag ah oo xafiisku u xayiran yahay oo aan ka badnayn $500 , wixii ka badan qoondadaas waxaa ay amar ka dalbaysaa agaasimaha guud.
• kharashka uu ku amro agaasinka waaxdu xaalada ku xusan farqada hore oo awoodiisa ku qoran waa in uu qoraal ogaysiin ah siiyo agaasimaha guud aydoo ay ku cadahay sababaha kharashka loo bixinayo
• Hadii waax ama maamul heer Gobola ku guuldaraysto inuu soo gudbiyo xisaab xirkii looga baahnaa wakhtigii la rabay, waxay/uu agaasiha waaxdu xaq uleeyahay inuu soo faragaliyo kana qaado tilaabada ku haboon ayadoo la tashanysaa Agaasimaha guud ee wasaarada.
• Agaasimaha waaxdu waa in ay la sodosiiso agaasimaha guud isla markaana siisaa warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xaaladaha dhaqaale ee wasarada si joogta ah.
• Agaasimaha waaxda waxaa laga rabaa in ay nuqul ka haysto/haysato mashruuc kasta oo la saxiiixo iyo heshiis kasta oo ay wasaaradu la gasho hayadaha ay shaqo wadaaga yihiin. si ay ula socoto wakhtiga iyo nooca xisaab xir ee looga baahan yahay waax kasta.
• Mashruuc kasta waaxda ayaa u xilsaaran in waqtiga ku haboon ay soo gudbiso xisaabxirkiisa
• Agaasimaha waaxdu waxaa uu ku kormeerayaa qaybaha waaxda hawshooda iyo talosiin masuuliyadooda
• Lacag kasta ama heshiis kasta oo lacageed, wasaaradda waxaa ugu xilsaaran waaxda maamulka iyo xisaabaadka oo u furaysa akoontiyo ku kala calamadsan mashaariicda kala duwan iyo lacagta wasaaradu gaarka u leedahay sida tan hoolka kiradiisa,makhaayadda iwm
• Waxaa ay la saxiixdaa agaasimaha guud jeegaga lacagaha la amro lagu soo qaado,waaxda ayaana xaq u leh in ay lacagta hayaduhu soo diraan ama dawladu keento ay soo qaado, ka soo bixiso accountiga lagu soo diro ama mid kale ku badasho.
• Agaasinka maamulku waxaa uu warbixin ku saabsan amaan, hawlkarnimo iyo digniinba ka qori karaa shaqaalaha asagoo kala tashanaya agaasimaha guud
• Waaxda maamulka iyo xisaabaadka waxaa laga rabaa bilwalba in ay u gudbiso agaasinka guud warbixin guud ee maamulka iyo xisaabaadka iyo qaybaha hoos yimaada ugu dambayn 25ta bil walba
>>Read
|
Warbixin Ku Saabsan Safarkii Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland ay ku tagtay dalka maraykanka taariikhdu markii ay ayad 20kii October-9kii December 2009
Sunday, 24-01-2010 | Qaybaha warbixintu koobayso
•Safarkaygii aan ku joogay Kenya Iyo Kulamaddii aan ka galay
•U ambabixidii Safarkii Maraykanka
•Qabanqaabiyayaashii Safarka Mareykanka
•Gaaristii Mareykan iyo Jadwalkii aan ku shaqaynayey
•Booqashadii shaqo xilligii aan joogay Minneabolis/ St Paul (twin Cities)
•Booqashadii Shaqo xilligii aan joogay Ziatle Washinton
•Booqashadii shaqo xilligii aan joogay Boston
•Booqashadii Shaqo xilligii aan Joogay Washinton DC iyo Verginia
•Guulihii ka soo baxay safarkii aan ku tagay Mareykan
•Waaya aragnimada aan ka helay jaaliyadda Puntland intii aan ku sugnaa Mareykan.
•Talooyinkayga ku aadan sida loo xoojin karo wada shaqaynta Puntland iyo jaaliyadaha reer Puntland
•Gabagabadii Safarkaygii shaqo ee aan uga maqnaa Puntland
• Mahadnaq
Safarkaygii aan ku joogay kenya Iyo Kulamaddii aan ka galay
Waxaanu ka ambabaxnay magaalada Galkacyo ee Puntland ayadoo ay I weheliyaan masuuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska,Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay weheliyaan Mayorada Magaalooyinka Bossaso, Qardho iyo Galkacyo,ujeedada safarkayagu waxaa uu ahaa in aan ka qayb galo kulan shaqo oo soconayey September 27-29 keedii oo ay wadajir u qabanqaabiyeen labada wasaaradood ee aan kor ku soo xusay iyo shan hayadood oo aanu aanu wada shaqayn shaqo lahayn oo kala ahaa:
UNDP,UNICEF,UNHABITAT ,ILO IYO UNCDF.kulankaas shaqo waxaa looga wada hadlayey sidii loo tayayn lahaa lahaa barnaamijyadda degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegeenada ee Puntland oo ku naqshadaysnaa mashruuc hal sano ah oo bilowaday January 2009 ayna iskaashi ay ka wada lahaayeen labada wasaaradood iyo hayadaha caalamiga ah oo aan magacyadooda kor ku soo taxay. Kulankaasi waxaa uu soconayey 3 maalmood masuuliyiintii puntland ka socotayna waxaa ka mid ahaa:
1. Wasiirka Haweenka Iyo Qoyska
2. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Iyo Qoyska
3. Wasiir ku xigeenka Wasaradda Arimaha Gudaha
4. La taliyayaal ka socday labada Wasaaradood
5. Mayorka Bossaso
6. Mayorka Qardho
7. Mayorka Bossaso
8. Madax ka socota Hayadaha UNDP,UNICEF,UNHABITAT,ILO,UNCDF iyo
9.Fuddeeyayaal haw socodsiinta qaabilsanaa oo ka tirsan hayadahaas.
Intii shirku socday waxaa la iswaydaarsaday hawlihii masharuuca uga qorshaysnaa hayad walba, wixii ay ka qabatay iyo caqabadihii ka hor yimid, iyo sida loo sii xoojin karo doodo badan ka dibna waxaa ugu danbayntii la isku raacay qodobo ay ka mid ahaayeen:
1.In la xoojiyo barnaamijkan si tayadiisu u fiicnaato .
2.In wasaaradaha iyo hayadaha kala duwan ee ka wada shaqeeya barnaamijka horumarinta degmooyinka ay joogteeyaan iskaashiga ayna dardargaliyaan hawlaha ay u kala xilsaaran yihiin.
1.In tababarada loo fulinayo xubnaha councilada cusub iyo kuwii hore inta waqtigoodu aanu dhamaan la tayeeyo laguna saleeyo baahida dhabta ah ayadoo lala socodsiinayo Mayorada degmooyinka inta aan la fulin ka hor.
2.In barnaamijyada qorsheysan lagu dadaalo fulintooda waqtiga u cayiman,isla markaana la wada hubiyo hayadaha fulinaya.
3.In haydaha aan saldhiga ku lahayn puntland oo ka mid ah fuliyayaashana sida UNCDF ay iska diiwaangaliso puntland maadaama ay qayb ka tahay fuliyayaasha barnaamijka.
4.In hayadaha UN ka ee ka shaqeeya barnaamijkan aanay contaract siin Karin ururu ama hayad aan ka diiwaangashanayn puntlan ama daganayn.
5.In la xoojiyo tayadda hawlwadeenada labada wasaradood si ay mutaqbalka awood ugu yeeshaan in ay hantaan adeegyada mashruucan iyo kuwa kale ee la midka ah.
6.In la mideeyo buugagta tababarista councilada ee ay kala diyaariyeen labada Wasaarada haweenka,wasaarada Gudaha iyo UNHABITAT si loo helo hal buug oo mideysan oo lagu tababaro hawwadeenada degmooyinka rag iyo dumarba.
7.Waxaa si gaar ah la isugu raacay in hawlwadeenadda kala duwan ee Mashruuca dawlad iyo UN ba ay xoojiyaan kaalinta Mayorada waxna kala qabtaan baahiyaha kala duwan ee degmooyinka Iyo.
8.In haydaha qaybta ka ah barnaamijkan iyo labada wasaaradood ay Nayroobi shir isugu yimaadaan 17ka Nov 2009 si loo hubiyo dhamaystirka go’aamada shirkan iyo ansixinta qoondada
>>Read
|
waxqabadkii sanaka 2009 oo ay soo bandhigtay wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska puntland
Wednesday, 20-01-2010 | bandhkii oo dhamaystiran
>>Read
|
16 maalmood ee ka hortaga shaqaaqooyinka lidka ku ah haweenka oo ay xustay wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, (MOWDAFA)
Monday, 14-12-2009 |
Wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska puntlanad ayaa waxay qabatay xaflad wayn oo looga hadlaayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, xafladaas oo logu magax daray 16days activism,
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Golayaasha dawlada, Waxgarad & Haween waynaha reer puntland, ayaa lugu soo qaaday sidii meesha looga saari lahaa tacadiyada la xariira arrimaha ku wajahan haweenka Puntland, iyadoo laga sheegay madashaas in ay jiraan dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah haweenka oo loogaysto, oo ay ka mid tahay,Dhac,Dil,Fara xumayn, iyo kuwa kaloo badan,
>>Read
|
Wasiirka wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska (Marwo Caasho Gelle Diriye oo soo gunaanaday safar hawleedkeedii Washington D.C
Monday, 23-11-2009 |
Washington, Wasiirka wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland ,Marwo Caasha Geelle Diriye oo todobaadkan safar hawleed ku joogtay Washington D.C. ayaa soo gunaanaday safarkeedii.
Wasiirka ayaa mudadii ay ku sugnayd D.C. kulamo la yeelatay madax ka tirsan golayaasha dawlada Maraykanka ee U.S. Congress & Senate
Wasiirka ayaa la kulantay mas.uuliyiin ka tirsan xafiisyada Md. Al Franken, Keith Ellison, saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda, iyo madax kale.
>>Read
|
Oct 26 – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Arrimaha Qoyska ee Puntland (Marwo Caasha Geelle Diriye) ayaa kulan la yeelatay Tina Liebling (DFL), mudane ka tirsan golaha wakiilada oo laga soo doorto degmada 30A ee dawlada goboleedka Minnesota
Wednesday, 28-10-2009 |
Oct 26, Wasiirka horumarinta haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasha Geelle Diriye ayaa kulan la yeelatay Tina Liebling (DFL), mudane ka tirsan golaha wakiilada oo laga soo doorto degmada 30A ee dawlada goboleedka Minnesota,
Marwo Caasha ayaa uga la wadaagtay Md. Liebling xog waran guud oo ku saabsan Puntland, qorshaha guud ee Puntland ee horumarinta caafimaadka, adeegyada bulshada iyo dawrka dumarka ee horumarinta arrimaha qoyska.
>>Read
|
24.10.09 Oct, Tababar ka furmay wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, oo socon doona mudo 10 bari ah,
Tuesday, 27-10-2009 |
Tababar soconaya mudo 10 cisho ah ayaa waxaa uu ka furmay wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska MOWDAFA tababarkaan ayaa waxaa loo furay todobada daladood ee ka dhisan gobolada Puntland oo ay hirgalisay wasaaradda horrumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska,sanadkii 2007,
Ayadaha Qur,aanka kadib, Waxaa furatay tababarka hadlana ka soo jeedisay wasiir,kuxigeenka wasaaradda horruamrinta haweenka iyo arrimaha qoyska (Marwo Xaliimo Maxamuud Maxamed), waxayna tilmaantay ujeedada tabarka iyo faa’iida uu leeyahay iyo sida uu wax uga badali karo halkii aan awal joognay iyo in loobaahan yahay in laga faa’iidaysto. Gobolada sida tooska ah uga qayb qaadatay looguna tala galay waa, NUGAAL,MUDUG,BARI, KARKAAR,SOOL SANAAG,CAYN,
>>Read
|
|
|
|